XAMAAS OO BEENISAY SHEEGASHADII ISRA’IIL.
(SAWIRKA)-ABU CUBAYDA.
(GAZA)-Dagaalka Xarakada Xamaas iyo Isra’iil ayaa hadda waxaa ku soo kordhay dicaayad dhinaca warbaahinta ah waxaane si isdaba joog ah baraha bulshada lagu arkaa warar fara badan oo iska soo horjeedo ey soo dhigeen Xamaas iyo Isra’iil,hadaba afhayeenka Xarakada Xamaas garabkeeda Mileteriga(AL-QASAAM) Abu Cubeyda ayaa sheegay in cadawga Isra’iil uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo kala gedisan oo dhinaca dhulka ah kana kala dhacay goobo kala gedisan oo dhammaantood ka wada tirsan Marinka Gaza, Abu Cubayda ayaa intaas ku daray in ciidamadda difaac Isra’iil iney maciin bideen ciidamadda Badda si ey gudaha ugu galaan Marinka Gaza,waxa uuna Abu Cubayda waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray afhayeenka ciidamadda difaaca Isra’iil oo sheegtay iney soo furteen gabar askeriyad ah oo ku jirtay Dhibaw eyna qabsadeen Xarakada Xamaas,sawirka gabadha la sheegay in la soo furtay iyo ehelkeed ayaa la soo dhigay baraha bulshada.
ISHA/ARAB.