XASUUQ KA DHACAY DALKA AFRIKADA DHEXE.
GOOB LAGA QODO MACDANTA.
(DAARFUUR-SUUDAAN)-Dadka dega Tuulooyinka Daarfuur ee dalkaas Suudaan ayaa lugahooda uga soo baxsaday xasuuq ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe,dadkaan aya soo socday in ka badan todobaad ayagoo soo maray dalka Jaad oo deris la ah dalka Suudaan si eey ugu soo laabtaan dalkooda hooyo. Maryam Cubayd ma eysan helin fursad eey ku macsalaameyso wiilkeed, wiilkeeda oo 20-jir ah lana yiraahdo NIZAR MUUSE CALI ayaa ka mid ahaay 100-qofood oo macdan qodoyaal ka ah dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe kana kala yimid dalalka Suudaan,Jaad,Nijar iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe kuwaaso la xasuuqay bishii Maarso ee sannadkaan-2022-ka. Nizar oo ahaay wiil dhallinyara ah ayaa masuul ka ahaay nolosha qoyskiisa hooyadiis Maryam Cubayd oo reer Daarfuur ah ayaa sheegtay in wiilkeed lala aasay asaxaabtiisa gudaha dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ka dib markii calooshood u shaqeystayaal ka yimid dalka Ruushka lana yiraahdo WAGNER GROUP oo ah dembiilayaal eey xasuuq ka geysteen halka loo yqaano Andaha ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
ISHA WARKA MEE.