1,000-WEERAR AYAA KA DHACAY DALKA AUSTRIA….

NIN JEBINAAYA ALBAABKA MASJID.

(VIENNA-AUSTRIA)-Dalka Austria waxaa ka dhacay 1,061-dhacdo oo Muslimiinta ku nool dalka Austria lagu dhibaateeynaayo sida Cunsiriyeen iyo Neceeyb sannadkii la soo dhaafay 2021-kii,sida lagu qoray warbixin la soo saaray maanta oo khamiis ah. Marka loo fiiriyo warbixintii sannadkii hore-2021-ka kuna saabsan Cunsuriyeynta dadka Muslimiinta ah ee dalka Austria ayaa waxaa soo wada saaray Dawladda Austria iyo Golaha Muslimiinta ee dalka Austria,weerarada lagu qaaday dadka Muslimiinta ah ee dalka Austria ayaa ka dhacay baraha bulshada kuwaso soo jiitay dadka isticmaalo Internet-ka intii lagu guda jiray cudurka Covid-19 waqtigaaso uu xadidnaay dhaqdhaqaaqa dadka reer Austria. Warbixinta daaha laga qaaday ayaa sheegtay in 69% weerarada lagu qaaday muslimiinta(Rag/Dumar) ahaayeen Cunsuriyeen,hadalo aad xun iyo ficil loo geysto Muslimiinta,waxayna weeraradaas ku dheceen 26% raga iyo dumarka Muslimiinta Austria.

ISHA WARKA ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

IRAAN IYO REER GALBEEDKA OO ISKU DHEGAN.

Next
Next

XASUUQ KA DHACAY DALKA AFRIKADA DHEXE.