XABAAL WADAREED CUSUB OO LAGA HELAYA LIIBYA.

(SAWIRKA)-XABAALO.

(TRIOLI)-Dawladda Liibiya ayaa Khamiista maanta ah sheegtay in la helay 55-Meyd oo cusub kuwaaso ah Meydadka dad Muhaajiriin aan sharci ahayn ah,dadkaan ayaa lagu wada aasay Xabaal Wadareed ku yaalo Magaaladda AL-Kafrah ee dhacda Koonfur-Bari dalka Liibiya,taaso tirada Xabaal Wadareedyada la helay ka dhigeysa seddex Xabaal Wadadareed todobaad Gudihiis. Hayadda Gurmadka deg dega ah iyo Gaadiidka Gargaarka deg dega ah ee magaaladda AL-Kafrah ayaa bayaan ey soo saareen ku sheegay in cutubyadooda ey soo saareen 11-Meyd oo Tahriibayaal sharci dara ah oo ka mid ah 55-Meyd, waxaane la filaa in tirada noqon doonto 74-qof oo kuwada jira Xabaal Wadareed ey soo ogaatay Hayadda Socdaalka sharci darada ah ee magaaladda AL-Kafrah intii ey socdeen hawgaladda Amni,waxaane lagu soo badbaadiyey tiro badan oo Tahriibayaal ah. Sidoo kale waxaa la rumaysan yahay in Xabaal Wadareedka laga helay meel u dhaw Xarunta lagu haayo Tahriibayasha,waxaane dadka dhintay ey ku dhinteen safar sharci dara ah oo ey ku marayeen Saxaraha dalka Liibiya halkaasi oo ey ku badan yihiin kooxaha dadka Tahriibiya,inta ey safarka ku jireen waxa ey la kulmeen dhibaatooyin ey ka mid yihiin Jirdil,Tacadiyo kala duwan iyo xadgudubyo halis ah. Hayaddaha awooda u leh ayaa wada baaritaano lagu ogaanaayo sababta keentay iyo qaabka ey u dhinteen Tahriibayaasha,iyo haddii ey saxaraha ugu dhinteen sabab la xiriirta Oon,Gaajo iyo daal ka dib markii kuwa tahriibinaayey eysan waxba u qaban ama iney dileen kooxaha dadka Tahriibiya ka dibne ey ciida hoosteeda isaga aaseen. Waa Xabaal Wadareedkii seddexaad ee Muhaajiriinta oo laga helay dalka Liibiya hal todobaad gudihiis,Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Usaama Xamaad ayaa sheegtay in la helay Xabaal Wadareed ku yaalo Beer ku taalo Gobolka Ajkhara ee Koonfur-Bari dalka Liibiya taaso ey ku jiraan 19-Meyd,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale Axadii la soo dhaafay sheegay in la soo badbaadiyey 76-Muhaajir oo ku jiray gacanta kuwa dadka tahribiya waxaane Xabaal Wadareed laga soo saaray ilaa 28-Meyd oo kale Xabaal Wadareedka ayaa ku yiil goob xabsi u ahayd kuwa dadka Tahriibiya ee magaaladda AL-Kafrah. Musiibadaan Bani’adanimo ee weyn ayaa muujineyso iney jirto khatar weyn oo ey la kulmayaan dadka sharci darada ah marka ey isku dayayaan iney u tahriibaan Yurub iyaga oo sii maraaya dalka Liibiya,waxaane dib u cusbooneysiinay baaqyada lagu raadinaayo xal kama dambeys ah dhibaatadaan tahriibka ee galaafatay nolosha kumanaan qofood sannadihii ugu dambeeyey.

ISHA-LO.

Previous
Previous

KOOXAHA ISKU HAAYO SUDAN OO LOOGU BAAQAY…

Next
Next

CIIDAMADDA LIIBIYA OO DAGAAL LA GALAY KUWA…