CIIDAMADDA LIIBIYA OO DAGAAL LA GALAY KUWA…
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA LIIBIYA.
(TRIPOLI)-Wararka laga helaayo dalka Liibiya ayaa sheegaayo in Ciidamadda dalka Liibiya ey ku dhawaaqeen in la dilay 7 ka mid ah ciidamadooda intii uu socday hawlgalka amni ey ku baacsanaayeen kooxaha dadka Tahriibiyo iyo kuwa ka Ganacsado Daroogada ee ku sugan degaanka AL-Qatruun ee Koonfurta dalka,taaso qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu sugaayo xuduudaha Koonfurta iyo sare u qaadida Amaanka. Arbacada maanta ah,iska horimaad hubaysan ayaa dhexmaray Ciidamadda dalka Liibiya iyo kooxaha Mucaaradka dalka Jaad,dagaalka ayaa socday saacado badan,ka dib markii ey diideen iney ka baxaan goobihii ey ku sugnaayeen,waxaane ugu dambeyntii ey Ciidamadu la wareegeen xeryihii ugu muhiimsnaay ee magaaladda Qatruun. Bil ka hor, Ciidamada Liibiya ayaa la wareegay Xerada Tendi ee xiriirka la leh Golaha Madaxtooyadda ee ku taalo magaaladda Aw-Baari ee dhacda Koonfur-Galbeed dalka Liibiya,halkaaso ey ku taalo Goobta Shidaalka ee Sharara oo ah tan ugu weyn dalkaasi Liibiya. Muddo sannada ah Ciidamadda Xooga dalka Liibiya waxa ey wadeen dadaallo ey ku doonayaan iney isku fidiyaan maamulka Gobolka Weyn ee Koonfurta dalka Liibiya,isla markaasne ey adkeeyaan Amaanka balse waxaa ey caqabado waa weyn kala kulmeen kooxaha hubeysan ee gacan saarka la leh Mucaaradka Jaad iyo Sudaan,kuwaasi oo gacanta ku haayo goobaha dadka laga Tahriibiyo isla markaasne isku dayaya iney sii wataan saameynta ey leeyihiin ka dib markii la afgembiyey Dawladdi Mucamar AL-Qadaafi. Arrintaas ayaa sii kordhineysa walaaca isa soo taraya ee laga qabo burburka xabad joojinta iyo dib u soo noqoshada rabshadaha hubeysan ee Liibiya, gaar ahaan marka la eego hanaanka Siyaasadeed ee sii liicaya iyo carqaladeynta wada hadaladda u dhexeeyo dhinacyada ugu waa weyn ee Hogaaminaya dalka Liibiya.
ISHA-AL-ARABIYA.