XAASKA ABUBAKAR ALBAQDADI OO BIXISAY WARAYSI.

(SAWIRKA)-ABUBAKR ALBAQADADI IYO XAASKIISA ASMA’A.

(IRAQ)-Asma’a Muxamed oo ah Xaaska AbuuBakar AL-Baqdaadi oo ah Hogaamiyihii hore ee Ururka Argagixisada ISIS/DAACISH ayaa shaaca ka qaaday xogta iyo sirta ninka ey si weyn u baadi goobaysay dawladda Maraykanka sannadkii 2014-kii ka dib markii uu ku dhawaaqay abuuritaanka Ururkaasi Daacish oo laga qabsaday dhul balaaran oo ku kala yaalo dalalka Ciraaq iyo suuriya. Asma’a Muxamed ayaa markii ugu horeeyey ka soo muuqatay telefishan AL-CARABIYA si ey uga hadasho ninkeedii dhintay iyo xiriirkii uu la lahaay kooxda AL-QAACIDDA iyo ka dib markii uu la wareegay kooxda DAACISH,waxa uuna hogaanka la wareegay ka hoe Oktoobar 2019-kii waane markii uu dhacay duulaanka Maraykanku ku qaaday IDLIB Waqooyiga dalka Suuriya. Inta uu socday Waraysiga lala yeelanaayey Asma’a oo ah Xaaskii Abukar AL-Baqdaadi ayey faahfaahin ka bixisay kulankii ey dhawaan la qaadatay ninkeeda Abubakar AL-Baqdaadi waxayna tiri”Ka dib markii xarumaha Ururka DAACIS/ISIS ee ALbukalam lagu soo qaaday weerar ba’an oo Ruushku ku qaaday,Qoysaska Daacish waxa ey bilaabeen iney u guuraan degaanka Shacafah oo ah daanta kale ee wabiga Furaat. Waxay intaas raacisay”Waqtigaan ma aanan la kulmin AL-Baqdaadi in muddo ah safarkaan waxa aan ku sii jeednay guriga walaalkiis,AL-baqdaadi waxa uu inoogu yimid halkaas”iyadoo xustay inuusan AL-baqdaai u sheegin iney aadayaan dalka Turkiga balse waxa uu u sheegay sheegay iney hadda aadeyaan IDLIB.

ISHA/ARAB,

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SARKAAL SARE OO YEMANI AH OO LAGU DILAY QAHIRA.

Next
Next

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SHAQSIYAAD IYO SHIRKADO.