MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SHAQSIYAAD IYO SHIRKADO.

(SAWIRKA)-WAAXDA MAALIYADDA DALKA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa Arbacadii shalay sheegay inuu cunaqabateyn ku soo rogay shirkado xiriir la leh Bankiga Dhexe ee dalka Iraan iyo Hayado iyo shaqsiyaad lug ku leh Tahrinta Teknoolojiyadda Maraykanka si ey uga faa’iideystaan Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan. Waaxda Maaliyadda dalka Maraykanka bayaan ey soo saartay ayey ku tiri’Cunaqabateyntaan ayaa lagu beegsanayaa Seddex qofood iyo afar Hayadood oo lala xiriirinayo iibsashada teknoolojiyada horumarsan ee dalka Maraykanka si uu isticmaalo Bankiga Dhexe ee Iraan taaso xadgudub ku ah Xayiraada dhoofinta Maraykanka iyo cunaqabateynta”. Wasaaraddu waxay bayaankeeda ku sheegtay in “Bankiga Dhexe ee Iraan” laftiisa ey saaran tahay cunaqabateyn ku aadan bixinta taageerada dhaqaale ee xoogaga Qudus oo ah cududa shisheeye ee Ilaaladda Kacaanka dalka Iraan iyo kooxda Xizbulaahi ee ka jirta dalka Libnaan sidoo kale waxaa saaran cunqabateyn,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Cunaqabateyn ayaa ka dhigan dadaaladda ugu dambeeyey ee Washington ey ku ciqaabeyso Tehran ey xulafadeeda Ciraaq,Suriya,Libnaan,Yeman iyo Marinka Gaza ey weeraraan bartilmaameedyada Maraykanka iyo Isra’iil. Bogga Internet-ka ee Wasaaradda Maaliyadda dalka Maraykanka ayaa sheegay magacayada Shirkadaha iyo shaqsiyaada oo kala ah”Shirkada adeegyada(ISC) ee ku xiran bankiga dhexe ee Iraan ey xarunteedu tahay dalka Iraan,Shirkada Ganacsiga Xallinta bankiga sare taaso fadhigeedu yahay dalka Imaaraatka Carabta una dhaqdhaqaaqdo shirkadihii horay loo soo sheegay iyo shirkada Advance Banking solution Trade Company oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraatka Carabta lana hawlgasha shirkadihii horay loo soo sheegay iyo Freedom Star General ee ganacsiga oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraatka Carabta,shirkada TED ee horumarinta Teknoolojiyada Warshadaha iyo adeegyada Ganacsiga oo saldhigeedu yahay dalka Turkiga.

ISHA/SHARQALAWSAT.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

XAASKA ABUBAKAR ALBAQDADI OO BIXISAY WARAYSI.

Next
Next

AMIIRKA DALKA KUWEYT OO KALA DIRAY BAARLAMAANKA.