WEERARO DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY SURIYA.

(SAWIRKA)-GUDAHA ISBITAALKA IDLIB.

(SYRIA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in sideed qofood oo rayid ah ey ku dhaawacmeen magaaladda Idlib ee dhacda Waqooyi-Galbeed dalka Suriya ka dib markii gantaalo ey ku garaaceen ciidamdda dawladda Suriya. Ururka difaaca Madaniga ah ee dalka suriya(White Helmet) ayaa sheegay in ciidamadda dawladda laba weerar ku beegsadeen xaafadaha magaaladda idlib fiidnimadii Axada taaso sababtay in sideed qofood oo rayid ah oo ey ku jiraan seddex haween ah iyo laba caruur ah ey ku dhaawacmeen. Subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah ayey ahayd markii ey ciidamadda dalka Suriya dib u soo cusbooneysiiyeen duqeymaha ey ka gaysanayaan tuulooyinka iyo degaanada ku yaalo dhulka miyiga ah ee Xama’a iyo Idlib ee wada dhaca Waqooyiga-Galbeed ee dalka Suriya,waxaane kor u kacday tirada dhimashada duqeyntii ka dhacda magaaladda Idlib waxaane la sheegay iney gaartay ilaa afar qofood uu ku jiro ilmo yar iyo shan iyo toban qofood waxaane dhaawacmay qaar kale. Sida uu sheegay wakiil wareed Wargayska The New Arab ciidamadda dawladda Suriya ayaa saakaydii hore duqeeyey agagaarka tuulooyinka AL-Ankaawi,Qaahira iyo Qalidin oo ka wada tirsan Tuuladda AL-Ghab ee baadiyaha Xama’a,marka laga soo tago magaaladda Sarmiin oo dhanka Bari ka xigta magaaladda Idlib iyadoo aan la soo sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI ALHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO DIB ULA SOO LAABTAY MARAAKIIB DAGAAL.

Next
Next

SEDDEX DOON OO EY LEEYIHIIN XUUTIYIINTA OO LA DEJIYEY.