MARAYKANKA OO DIB ULA SOO LAABTAY MARAAKIIB DAGAAL.

(SAWIRKA)-MARKABKA DAGAALKA EE USS GERALD FORD.

(WASHINGTON)-TV-ga caanka ah ee dalka Maraykanka ee ABC oo soo xiganaayo saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay Axada maanta ah(31/12/23)-ka in Markabka qaada diyaaradaha Weerarka gaysta ee dalka Maraykanka loona yaqaano (USS GERALD R.FORD) uu ka soo laaban doono gobolka Bariga dhexe isaga iyo maraakiibta kale ee la socoto ee iyagana qaada weerarada maalmo ka dib,Maraakiibtaan dagaalka ayey dawladda Maraykanka waxa Bariga dhexe u dirtay ka dib markii uu dhacay weerarkii Xamaas ey ku qaaday Isra’iil toodbadii Oktoobar-2023-ka. Sarkaal sare oo Maraykan ah uuna Tv-ga ABC waraysatay ayaa sheegay in maraakiiibta sida diyaaradaha iyo kuwa la socdo ey ku wada laaban doonaan dekeda Norfolk ee Gobolka Virginiya,sida markii hore loo qorsheeyey Maraakiibtaan ayaa la doonaayey iney isku fidiyaan kana hortagaan Maraakiib kale oo laga cabsanaayey iney ka yimaadaan dhinaca dalka Iraan qeybne ka noqdaan dagaalka ka socdo Marinka Gaza.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

QORSHAHA TONY BLAIR MA HIRGELI DOONAA.

Next
Next

WEERARO DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY SURIYA.