WEERAR KA DHACAY QUDUS OO EY DAD KU DHINTEEN.

(SAWIRKA)-WEERARKII QUDUS.

(QUDS)-Wararka ka imanaayo Qudus ayaa sheegayo in weerar ey qaadeen koox ka tirsan Xarakada Xamaas ey dileen seddex qofood waxa eyna dhaawaceen lix kale kuwaaso qaarkood uu dhaawacoodu yahay mid culus,weerarkaan ayaa markii dambe waxaa sheegatay Xarakada Xamaas ee dagaalka kula jirto ciidamadda difaaca Isra’iil,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay iridda hore ee magaaladda Qudus subaxnimadii maanta oo Khamiis ah(30/11/23)-ka sida ey sheegeen booliska Isra’iil iyo takhaatiirta. Weerarka dhacay aroortii hore ee saakay ayaa waxa ku dhintay seddex qofood ee kala ah “Livia Dickman oo 24-jir ah,Xaakin Ashod Elimelek Wesserman oo 73-jir ah iyo Hannah Ifergan oo 60-jir ah”. Sida laga soo xigtay Booliska Isra’iil abaarihii saacadu markeey ahayd 7:40-daqiiqo ee subaxnimo ayaa laba nin oo reer Falastiin ah oo hubaysan ka soo degeen gaari maraayey Weizman Boulvard oo ku taalo albaabka hore ee laga galo caasimadda,waxa eyna rasaas ku fureen dad ku sugnaay goob basaska laga raaco. Booliska ayaa sheegay in laba askeri oo aan shaqo ku jirin iyo qof rayid ah kuna sugnaay goobta ey rasaasta ku fureen ragii weerarka soo qaaday waxa eyna isla markiiba dileen labadii qofood ee soo qaaday weerarka hubaysnaay. Labada askeri ayaa ku jiray nasasho dagaalka ka socdo Gaza waxa eyna markii uu weerarka dhacaayey ey ka soo laabteen jiida hore ee dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Israiil. Labada nin ee soo qaaday weerarka ka Qudus ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Muraad Nimir oo 38-jir ah iyo Ibraahim Nimir oo 30-jir ah waxa eyna wada deganaayeen xaafadda bariga Qudus ee Suur Baxar,labadaan qofood ayaa ka tirsanaay Xarakadda Xamaas waxaane horay loogu xukumay dembi argagixiso sida Isra’iil sheegtay, Muraad ayaa xabsiyadda Isra’iil ku jiray inta u dhexeysay 2010-kii ilaa 2020-kii waxaane lagu soo edeeyey inuu qorsheynaayey weeraro ka dhan Isra’iil lagana soo abaabulay Marinka Gaza iyo Ibrahim waxaa isagan xabsiyadda Isra’iil la dhigay sannadkii 2014-kii ka dib markii ey Isra’iil ku soo edeysay Argagixisanimo.

ISHA/THE TIMES OF ISRAEL.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

GABAR FILIMADA JISHA OO ISKA CELISAY DHALASHADA…

Next
Next

CARUUR KU GUBATAY ISBITAALKA RANTISI.