CARUUR KU GUBATAY ISBITAALKA RANTISI.

(SAWIRKA ISBITAALKA RANTISI EE MARINKA GAZA.

(GAZA)-Wararka aan ka heleyno Marinka Gaza ayaa sheegayo in Wasaaradda Caafimaad Falastiin ee Marinka Gaza ey xaqiijisay maanta oo Arbaca ah(29/11/23)-ka dhimashada shan dhallaan oo ku jiray Isbitaalka “AL-Nasr”ee Galbeedka magaaladda Gaza ka dib markii la helay Meydadkooda oo jarjaran sababta oo ah ciidamadda Isra’iil oo si qasab ah uga daad gureeyey gudaha Isbitaalka shaqaalihii caafimaadka waxayna ciidamadu diideen in caruurta dhallanka ah laga qaado halka ey yaaliin,hayadaha u dooda Xuquuql Insaanka ayaa ku baaqay in la sameeyo gudi madax banaan oo caalami ah oo baaritaan ku soo sameeyo dhacdadaas. Afhayeen Wasaaradda Caafimaadka Gaza Ashraf AL-Qudra ayaa yiri isagoo ka faaloonayey muuqaal la baafiyey oo muujinaayey Meydadka caruurta oo jarjaran kuna jiran qeybta daryeelka ee Isbitaalka AL-Nasr,waxaane caruurtaasi meydadkoodii dib loogu soo celiyey Isbitaalka ka dib markii la gaaray heshiis xabad joojin ah Jimcihii la soo dhaafay. Bishii nofembar tobankeedii ayey ahayd markii ey Wasaaradda Caafimaadka Gaza ey ku dhawaaqday in ciidamadda Isra’iil iney hareereeyeen Isbitaalka Rantisi iyo AL-Nasr ee caruurta galbeedka magalaadda Gaza waxayna ku qasbeen kooxihii caafimaadka iney isaga baxaan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WEERAR KA DHACAY QUDUS OO EY DAD KU DHINTEEN.

Next
Next

AMIIRKA KUWEYT OO ISBITALKA LA DHIGAY.