WEERAR CIRKA AH OO KA DHACAY AWDHEEGLE.

DRONES-KA.

(SOMALIA)-Tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 15/5/22-ka dibne Soomaaliya loogu soo celiyey ciidamadii Maraykanka ee horay uu uga saaray Trump 16/5/22-ka waxaa si aan kala go’o lahayn u socdo beegsiga dhinaca cirka ah ee lagu haayo Alshabaab waxayne weeraro dhinaca cirka ah eey ka dheceen Goblka Hiiraan oo Alshabaab looga dilay 13-dagaalyahan iyo Gobolka Shabeelada hoose. Weerarkii maanta oo Talaada ah 16/8/22-ka lagu qaaday Alshabaabka Degmada Awdheegle ee G/Shabeelada Hoose gaar ahaan Tuuladda Nuungare ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac fara badan soona gaaray kooxda Alshabaab sida lagu sheegay war eey faafiyeen wakaaladaha wararka ee caalaamka. Duqeyntii maanta ka dhacday Tuulada Nuungare ayaa lala beegsaday si gaar ah Mootoyinka FEKEN-KA oo eey Alshabaab u isticmaalaan ismiidaaminta waxaane kii ugu dambeyey lagu dilay masuul ka tirsanaay degmada Afgooye ee G/shabeeladda Hoose.

ISHA WARKA SUUQBACAAD MEDIA(SOMALIA).

Previous
Previous

WASIIR REER CIRAAQ AH OO ISCASILAY.

Next
Next

MAXAY ISLA OGAYEEN TALIYE XIJAAR IYO FARMAJO?