WASIIR REER CIRAAQ AH OO ISCASILAY.
WASIIR CALI AL-CALAWI.
(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq waxaa weli ka taagan ismari waa dhinaca siyaasadda ah una dhexeeyo laba nin oo Shiica ah,ismari waagan ayaa soo jiitamaayey muddo dheer waane kan eey ka dhismi la’adahay dawladda Ciraaq. Hadaba Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ciraaq Cali Calawi ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu iska casilay xilkii Wasirnimo uu haayey sida laga soo xigtay laba masuul oo ka tirsan xukuumadda Ciraaq. Sababta keentay in Wasiir Cali is casilo ayaa lagu sheegay ineey tahay dhibaatada siyaasadeed ee ka jirto dalkaasi Ciraaq muddo sannad ah,dhibaatadaan ayaa waxaa u sabab ah sheekha Shiicada ah ee Muqtada Al-sadri iyo ninka ka soo horjeedo ee isna Shiica ah horayne u soo qabtay xilka Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Nuur Al-Maaliki gacan saarne la leh dawladda Iraan.
ISHA WARKA AP.