WEERA LAGU QAADAY XARUN CIIDAN.

DALKA SUURIYA.

(SUURIYA)-Ciidamadda Maraykanka kana hawlgala dalkaasi Suuriya ayaa sheegay waqti hore maanta oo Arbaca ah ineey qaadeen weerar cirka ah kuna qaadeen bariga dalka Suuriya,weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob eey isticmaalayeen ciidamo eey soo tababareen ciidamadda ilaaladda kacaanka ee dalkaasi Iraan(IRG). Koox reer Suuriya ah una dooda xuquuqda aadanaha lana yiraahdo DEIR EZZOR-24 ayaa sheegtay weerarka cirka uu qaaday Maraykanka lala beegsaday xerada Caa’isha eeyna maamulaan kooxda Faatimiyiinta oo ah dagaalyahano Shiica ah kana yimid dalkaasi Afgaanistaan,weerarka ayaa waxaa ku dhintay toban qofood kalana ah lix qofood oo Suuriyaan ah iyo afar qofood oo ajnabi ah waa sida eey sheegtay DEIR EZZOR-24.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA LIIBIYA OO WAJIHI DOONO DAGAAL…

Next
Next

DHISMO SOO DUMAY DUMAY DALKA CIRAAQ.