DALKA LIIBIYA OO WAJIHI DOONO DAGAAL…

FATXI BASHAGHA.

(TRIPOLI)-Marka laga hadlaayo dalka Liibiya waxaa isla markiiba inagu soo dhacaayo Macamar Alqadaafi kaaso dalka Liibiya soo xukumaayey muddo dheer balse xukunka looga qaaday si fool xun sannadkii 2011-kii waqtigaaso uu socday kacdoonkii ka dhacay wadamo fara badan oo Carbeed sida Masar,Yaman Tunisiya iyo Suudaan. Dalka Liibiya oo qani ku ah shidaalka ayaa waxa uu galay dagaal daba dheeraaday eeyna gadaal ka taagan yihiin dawlado shisheeye oo dano gaara ka leh khayraadka dalkaasi Liibiya,dawladahaasi waxaa kala hogaaminaayo Turkiga,Masar iyo Imaaraatka Carabta,danta dawladahaan ma aha in shacabka Liibiya helaan nabad waarta oo la mida tii eey horay u heesteen laakinse danadhilifyo eey wataan wadamo shisheeye ayaa dalka Liibiya geliyey xaaladaan adag uu hadda ku jiro. Hadaba bisha Febraayo ee soo socoto-2023-ka ayaa loo balansan yahay in Fatxi Bashagha inuu noqdo Reysal Wasaaraha cusub uu yeelaanayo dalkaasi Liibiya, RW-Fatxi ayaa waxaa doortay baarlamaanka Liibiya qeybtiisa fadhida Tabruk,waxaane jirto qeyb kale kana tirsan baarlamaanka Liibiya oo fadhida magalaadda caasimadda ah ee Tripoli,arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii uu dhammaday waqtigii xukuumadda uu hogaamiyo C/xamid Dbeibah taaso fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

ISHA WARA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

WAA MAXAY SABABTA UU U SAMEEYEY?

Next
Next

WEERA LAGU QAADAY XARUN CIIDAN.