WASIIRO REER ISRA’IIL AH OO SOO JEEDIYEY…

(SAWIRKA)-LABADA WASIIR EE UGU XAGJIRSAN XUKUUMADDA NEYANYAHU.

(WASHINGTON)-Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa maanta oo Talaada ah soo saaray cambaareyn xoogan oo ku aadan hadallo ey jeediyeen laba Wasiir oo sare oo Isra’iiliyiin ah kuwaaso ku baaqay in dadka Rayidka ah ee reer Falastiin laga saaro Marinka Gaza. “Hadalkani waa mid kicin iyo masuuliyad darra ah”sidaas waxaa yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mathew Miller. Tani waa cambaareyntii ugu xooganayd ee uu maamulka Biden ka sheego saraakiisha dawaladda Isra’iil tan iyo markii ey Xarakadda Xamaas ey weertay Isra’iil 7/10/23-ka.Bayaanka ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibadda dalka Maraykanka ayaa muujinaayo wel welka sii kordhaayo ee maamulka Biden kaaso ah in Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu uu u talineyn Wasiiradda garabka Midig ee xagjirka ah ee ka mida Isbahaysigiisa. Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich oo ah nin xagjir ah ayaa sheegay maalmihii la soo dhaafay in Isra’iil tahay iney qaado tilaabooyin lagu dhiirigelinaayo socdaalka in ka badan laba milyan oo reer Falastiin ah kuna nool Marinka Gaza u guuraan Yurub.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TURKIGA OO XABSIGA DHIGAY 34-BASAAS OO ISRAEL U SHAQEYNAAYEY.

Next
Next

KU XIGEENKII MADAXA SIYAASADDA XAMAAS OO LA DILAY.