KU XIGEENKII MADAXA SIYAASADDA XAMAAS OO LA DILAY.

(SAWIRKA)-SAALAX AL-CARUURI.

(BEIRUT)-Xaqiiqada jirta ayaa ah in Ku Xigeenkii dhinaca Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Saalax AL-Caruuri lagu dilay weerar ey fulisay diyaarad aan duuliyaha wedin ee Drones-ka maanta oo Talaada ah,waxa ey u badan tahay in aaney dad badan ka yaabin dilka Saalax AL-Caruuri. AL-Caruuri qudhiisa ayaa muddo dheer filaayey in la dili doono. Saalax AL-Caruuri oo 57-jir ah ayaa waxa uu ka mid ahaay ragga sida weyn looga baadi goobaayo Gobolka Bariga dhexe isagoo lala xiriirinayo inuu xiriir dhaw la leeyahay ilaaladda Kacaanka dalka Iraan iyo Ururka Xizbullah ee ka dagaalama gudaha dalka Libnaan. Saalax AL-Caruuri oo ka hadlaayey sida Isra’iil iyo dawladaha taageero ey u raadinayaan ayaa yiri”Kama baqaayo iney i dilaan..waxaan soo noolaay waqti ka ka badan intii ey filaayeen. Waxaan dareemayaa inaan dhaafay da’adii la rabay inaan ku dhinto. Markaan dhinto anigoo shahiid ah,waan soo dhaweynayaa” Saalax AL-Caruuri ayaa sidaas ku sheegay waraysi uu siiyey Telefishanka ey maamusho Xarakada Xamaas ee AL-Aqsa’a bishii Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay. Dilka Saalax AL-Caruuri oo loo adeegsaday diyaarad Drones ah ayaaney dawaladda Isra’iil si cad u sheegan masuuliyadda weerarka lagu khaarijiyey Saalax AL-Caruuri laakinse sarkaal reer Isra’iil ah iyo laba Maraykan ah ayaa xaqiijiyey in dawladda Isra’iil ey ka dambeeysay weerarka lagu dilay Saalax AL-Caruuri.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

WASIIRO REER ISRA’IIL AH OO SOO JEEDIYEY…

Next
Next

EYMAN AL-SAFADI”2024-KA WAA SANNADKII DHIMASHADA”HADDII…