WASIIRAD MARYAM SAADIQ AL-MAHDI OO EEDEYSAY..

(SUUDAAN):Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxaayey warar sheegaayo in Raysal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo hogaamiyaha ciidamadda sameeyey afgembiga Gen.Burhaan ineey gaareen hishiis si dalka loo gaarsiiyo doorasho,arrintaan la xiriirta afgembiga ka dhacay Suudaan bishii oktoobar shan iyo labaatankeedii(25/10/2021)-ka ayaa wxaaa ka hadashay wasiiraddi hore ee arrimaha dibadda ee xukuumadda la afgembiyey ee Rw Xamduuk Maryam Saadiq Al-Mahdi mar eey wareysi siineysay idaacad laga leeyahay dalka Maraykanka barnaamij ka baxo lana yiraahdo THINK TANK.Wasiiradda ayaa eed adag waxa eey u jeedisay Masar iyo Israa’iil waxa eeyna sheegtay in ayagu ka dambeeyaan afgembiga ka dhacay dalka Suudaan,waxayna wasiiradda tiri”Masar iyo Israa’iil ma awoodaan ineey Suudaan wax ka sameeyaan”.Wasiirka arrimaha dibadda dalka Masar Saami Shukri oo ka jawaabaayey hadlka wasiirad Maryam ayaa yiri”Anaga ma taageerayno dhinac ka mida dhinacyada isku haayo Suudaan,mana fargelinayno arrimaha dalka Suudaan”.ISHA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MAXKAMAD LA WEERAY DALKAAS LIIBIYA.

Next
Next

DHINACYADI ISKU HAAYEY SUDAAN OO GAARAY HESHIIS.