MAXKAMAD LA WEERAY DALKAAS LIIBIYA.
(LIIBIYA):Dalka Liibiya waxa uu ka mid yahay dalalka uu ka dhacay kacdoonkii carabta sannadkii 2011-kii,kacdoonkaas ayaa waxaa xukunka looga tuuray kaligii taliyihii dalkaas Liibiya Mucamar Al-qadaafi oo dalkaas soo xukumaayey muddo aad u dheer laakinse dalka ayaa galaya fawdo iyo dgaaalo qaraar oo dhexmara kuwa xukun doonka ah oo eey gadaal ka taagan yihiin danleey batroolka dalkaas rabta ineey ku hesho sicir jaban,waxa uuna dalka liibiya hadda isu diyaarinaa doorasho dabayaaqadda sannadkaan-2021-ka.Ergadda qaramadda midoobe ee ku sugan dalkaas Liibiya ayaa cambaareysay maanta oo Jimca ah(26/11/2021)-ka weerarkii eey rag hubaysan ku qaadeen maxkamadda Racfaanka taasoo dib u egaysay go’aankii loogu diiday inuu doorashadda ka qeybgalo wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaas Liibiya Mucamar Al-qadaafi lana yiraahdo Sayful Islaam Qadaafi.Shalay oo khamiis ahayd ayey rag hubaysan waxa eey hareereeyeen maxkamad ku taalo koonfurta dalkaas Liibiya gaar ahaan magaaladda Sabha waxayna is hortaageen garsoorihii maxkamadda kaaso rabay inuu dib u eegis ku sameeyo racfaan uu soo qortay Sayful Islaam Qadaafi,arrintaan ayaa timid ka dib markii gudiga doorashoouinka ee dalkaas Liibiya eey diideen in Sayful Islaam Qadaafi ka qeygalo doorashadda lagu wado ineey dalkaas ka dhacdo bisha soo socoto ee diseembar afar iyo labaatankeeda(24/12/2021)-ka.ISHA WAKAALADO.