WASIIR IS HORTAAGAY DEEQ U SOCOTAY MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-WASIIRKA MAALIYADDA ISRA’IIL SMOTRICH.

(ISRAEL)-Wasiirka Maaliyadda dalka Isra’iil Bezalel Smotrich ayaa is hortaagay shixnad Daqiiq ah uu dalka Maraykanka ugu talagalay iney gaarto Marinka Gaza,Wasiir Smotrich ayaa diiday iney gaarto halkii loogu talagalay daqiiqda waxa uuna sabab uga dhigay in Daqiiqda u socoto Hayadda Qaramada Midoobe ee UNRWA,laba sarkaal una kala dhashay Maraykanka iyo Isra’iil ayaa sidaas u sheegay Wargayska AXIOS. Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in dhacdaan xadgudub ku tahay Balanqaadkii RW-Netanyahu uu shaqsi ahaan ugu sameeyey MW-Biden dhawr todobaad ka hor iyo sabab kale uu hogaamiyaha Maraykanka uga caraysan yahay RW-Netanyahu. Golaha Wasiiradda dagaalka iyo Amaanka ee Isra’iil ayaa Ansixiyey in Daqiiqda laga soo dejiyo dekeda Asuud ee koonfurta Isra’iil lana geeyo Marinka Gaza iyadoo la sii marinaayo Marinka Karam Abu Saalim sida ey sheegeen saraakiisha Isra’iil. MW-Biden iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Blinken ayaa mar hore waxa ey si cad ugu mahad celiyeen dawladda Isra’iil ogolaanshaha shixnada daqiiqda ah in la soo dhex mariyo dalka Isra’iil.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ALJEERIYA IYO MARAYKANKA OO KA WADA HADLAY ARRINTA…

Next
Next

FARANSIISKA OO CUNAQABATEYN SAARAY 28-QOFOOD OO ISRA’IIL AH.