FARANSIISKA OO CUNAQABATEYN SAARAY 28-QOFOOD OO ISRA’IIL AH.
(SAWIRKA)-ISRA’ILIYIINTA LA SOO DEJIYEY DHULKA FALASTIIN.
(PARIS)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in cunaqabateyn lagu soo rogay qaar ka mid ah dadka la soo dejiyey dhulka reer Falastiin sabab la xiriirta iney ka qeygaleen falal ka dhan ah dadka reer Falastiin ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto,halka Wasiirka Amniga Qaranka Isra’iil Itmar Ben Gvir uu Faransiiska ku weeraray talaabadaan ey qaaday. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Faransiiska Bayaan ey soo saartay maanta oo Talaada ah ayey ku sheegtay iney go’aansatay iney mamnuucdo soo gelitaanka dhulka Faransiiska 28-qofood oo reer Isra’iil ah iyadoo xustay iney dhawaanahaan kordheen rabshadaha ey dadka Isra’iiliyiinta ah u gaysanayaan dadka reer Falastiin ee ku nool Daanta Galbeed. In kastoo dawladda Faransiiska ey si adag u cambaareysay falalkaan rabshadaha wata hadane waxa ey dib u soo cusbooneysiisay baaqeedii ahaay in masuuliyiinta Isra’iil ey la xisaabtamaan dembiilayaasha iyadoo ujeedadu tahay in la soo afjaro falalkaan,waxay sidoo kale ugu baaqday dalalka Yurub iney qaadaan talaabooyin la mid tan Faransa qaaday.
ISHA/ARAB.