WARARKII SOOMALIYA OO KOOBAN.

SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA KGS.

(MUQDISHO)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminaayey ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu Madaxweynaha iyo wafdigiisa eey booqasho hawleed ku tageen dalka Ugaandha,Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah waxa uu la yeeshay dhigiisa dalka Ugandha Museveni waxa eeyna ka wada hadleen iskaashiga labada dal gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Amniga. Dalka Ugandha ayaa ah dal eey Soomaaliya ka joogaan ciidamo nabad ilaalineed kana tirsan ciidamadda Midawga Afrika ee ATMIS.

(KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA)-Madaxweynaha maamulka KGS mudane C/casiis LaftaGareen ayaa dib ugu soo laabtay magaaladda Baydhabo ee hadda ah caasimadda ku meel gaarka ah ee KGS ka dib markii uu LaftGareen booqasho ku tegay dalka Itoobiya soona maray DDS-ta,Madaxweyne LaftGareen ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirada Amnig,Qorshaynta,Arrimaha Gudaha iyo Gargaarka. Maamulka KGS ayaa waxaa soo wajahday dhibaato kaga imaanayso Alshabaab oo horay u go’odomisay gobolka Bakool muddo shan iyo toban sano ah una diiday gobolkaasi ineey dhulka wax u soo maraan. Maamulka KGS iyo maamulka Puntland ayaa ah labada maamul ee ka jira Soomaaliya ee aan haba yaaraatee ogoleyn in warbahintu noqoto mid ka madax banaan iyaga war kasta eey diraayaane waa mid la sii mariyo faaf reeb,baraha bulshadane iskaba da’a warkooda waaba xirig qofkii wax ku qora kana hadla arrimaha labadaasi maamul,laakinse maamulka KGS isaga waxa intaas u dheer ineey ka dhacaan qaraxyo oo kuwii ugu dambeeyey lagu kala dilay Wasiirki Cadaaladda KGS AUN-Sheekh Xasan Lugbuur iyo Gudoomiyihii Gobka Shabeelada Hoose AUN-Waafaw,isla maantana waxaa Qarax lagu khaarijyey Gudoomiye ku xigeenkii Arrimaha Amniga ee Degmada Afgooye Jibriil,qaraxa lagu dilay Jibriil ayaa loo adeegsaday Mootada Feken-ka.Waa markii seddexaad oo qof lagu dilaayo Degamada Afgooye waxaane horay loogu dilay laba nabadoon uu kii ugu dambeeyey ahaay nabadoon u dhashay beesha Mudulood,Amniga KGS ma aha mid sugan waxaane ku soo fool leh doorasho dhammadka sannadkaan-2022-ka.

ISHA WARKA SUUQ-BACAAD MEDIA(SOMALIA).

Previous
Previous

SACUUDIGA:NIN LA RAADINAAYEY OO IS QARXIYEY.

Next
Next

BANAANBAX DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY…