SACUUDIGA:NIN LA RAADINAAYEY OO IS QARXIYEY.

CABDULAAH BIN ZAYED AL-SHEHRI.

(RIYAD)-Nin u dhashay dalka Sacuudiga ahaayne nin eey raadinaayeen ciidamadda amaanka ee dalka Sacuudiga ayaa isku qarxiyey Suun eey ku xiran yihiin waxyaabaha qarxo gudaha magaaladda Jiddah ee dalka Sacuudiga. Ninkaan is qarxiyey ayaa dhintay waxa uuna dhaawacay afar qofood oo kale sida maanta oo Jimca ah lagu sheegay war ka soo baxay dawladda Sacuudiga. Tv-ga Al-Carabiya lagana leeyahay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in shilkan dhacay maalintii Arbacada ee la soo dhaafay waxa uuna shilku ka dhacay halka la yiraahdo Al-samiir ka dib markii eey ciidamada amaanka Sacuudiga hareereeyeen guri uu deganaay ninka la raadinaayey oo ah Cabdullah Bin Zayed Al-Shehri oo lagu tuhmaayo inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish/ISIS.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

TORONTO: TOOGASHO KA DHACDAY QUBUURAHA….

Next
Next

WARARKII SOOMALIYA OO KOOBAN.