TAKHAATIIRTA AAN XUDUUDA LAHAYN OO ISAGA BAXAY…

(SAWIRKA)-XERADDA ZAMZAM EE SUDAN.

(QAHIRA)-Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ayaa maanta oo Isniin ah joojiyay howlihii ey ka wadeen Xerada Zamzam ee dalka Suudaan oo ey macluul ku dhufatay, ka dib markii ey sii kordheen Weerarada iyo Dagaallada ka socda Agagaarka Xeradda ZamZam.
Kooxda caalamiga ah ee Gargaarka Caafimaadka, oo sidoo kale loo yaqaan magaceeda Faransiiska Médecins Sans Frontières iyo MSF marka la soo gaabiyo, ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Millatariga Suudaan iyo kuwa ey iska soo horjeedaan ee Ciidamada Taageerada deg degga ah(RSF) uu sii xoogeystay agagaarka Xerada oo ku taal Waqooyiga Darfur. Kororka ayaa ka dhigay "wax aan macquul ahayn" in kooxdu ey bixiso baahiyo bini'aadannimo oo nafo lagu badbaadinayo kumanaanka barakacayaasha ah ee ku nool deegaanka, ayey ku sheegtay hadal ey soo saartay, iyadoo intaas ku dartay iney joojisay dhammaan howlihii ey ka wadeen Xeradda Zamzam, oo uu ku jiro isbitaalkeeda. “In la joojiyo mashruucayaga iyadoo ey ku jirto masiibada ka sii daraysa ee Zamzam waa go'aan qalbi jab leh," ayuu yiri Yahya Kalilah, Madaxa kooxda ee Suudaan. Kalilah waxa uu sheegay in ey ku soo dhawaadeen rabshado, ey dhibaato weyn kala kulmeen dirista sahayda, la tacaalida "macquul la'aanta" dirista shaqaale khibrad leh, iyo hubanti la'aanta wadooyinka ka baxa Xerada, ey MSF ku reebtay "doorasho yar." Sudan waxa ey gashay dagaal markii uu bilaawday April 2023 dagaal u dhexeeya millatariga iyo RSF ka dib markii ey xiisado ka abuurmeen. Sababo la xiriira dagaalka ka socda caasimadda Khartoum, kuna faafay Gobollada kale ee dalka. Iska horimaadka oo ey ku dhinteen in ka badan 24,000 oo qof, ayaa ku qasbay in ka badan 14 Milyan oo qof iney guryahooda ka cararaan, iyo macaluul ka abuuray qaybo kala duwan oo dalka ah. Dagaalka Zamzam ayaa kor u kacay 11-12-kii Febraayo, sida ey sheegtay MSF. Isbitaalka gudaha ayaa la dhigay 130 bukaan oo dhaawac ah, kuwaasoo intooda badan la ildaran dhaawacyo rasaas iyo firir. Xarunta MSF ee Zamzam ma bixin karto qalliin dhaawacyada halista ah ku jira dadka xaaladaha halista ah ku jira maadaama markii hore loo asaasay si ey wax uga qabato dhibaatada weyn ee nafaqo-xumada ee ka jirta xerada Xeradda ZamZam. Kalilah ayaa sheegay in 11 bukaan ey ku dhinteen isbitaalka, oo ey ku jiraan 5 caruur ah, sababtoo ah shaqaalaha ayaa si sax ah u daweyn waayay ama loo gudbiyay isbitaalka deegaanka ee Ceel Fasher ee Xarunta Gobolka. Helitaanka biyaha iyo cuntada ee aagga ayaa aad u dhib badan dagaalka awgeed, sida ey sheegtay MSF. Suuqa dhexe ayaa la dhacay oo la gubay. Xerada Zamzam ayaa hoy u ah ilaa 500,000 oo qof waxaana lagu arkay qoysas barakacayaal ah oo dhawaan ka yimid aagagga Abu Zerega, Shagra, iyo Saluma, kuwaas oo u sheegay kooxaha MSF tacaddiyada tuulooyinka iyo waddooyinka ee deegaanka Ceel Fasher kuwaas oo isugu jira Dil, Xadgudubyo Galmo, Dhac iyo Garaac. "Bishii Jannaayo iyo Disembar, laba ka mid ah Ambalaasyadayada oo bukaannada ka soo qaaday Xerada una socday Ceel Fasher ayaa la toogtay," Kalilah ayaa yiri. "Hadda xataa way ka sii khatar badan tahay, taasna waxay keentay, dad badan, oo ey ku jiraan bukaannada u baahan Qalliinka Dhaawacyada ama Qalliinka Dhalidda deg degga ah, ayaa ku xanniban Zamzam."

ISHA-AN.

Previous
Previous

DHIBAATADA SOO GAARTA CARUURTA LOO TAHRIIBIYO UK.

Next
Next

SACUUDIGA OO SAARAY AMAR TALLAAL AH.