SACUUDIGA OO SAARAY AMAR TALLAAL AH.

(SAWIRKA)-GOOB LAGU TALAALO DADKA.

(RIYAD)-Wasaaradda caafimaadka dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa iftiimisay sida ey lagama maarmaanka u tahay in la siiyo talaalka qoorgooyaha dadka doonaya iney soo gutaan Cumrada Bisha Ramadaan. Waa qayb ka mid ah dadaallada lagu Xoojinayo tallaabooyinka ka hortagga ah ee caafimaadka laguna xaddidayo Faafitaanka Cuduradda Faafa, sida ey ku warantay Wakaaladda Wararka Sacuudiga Isniinta maanta ah. Wasaaraddu waxay ku boorisay muhiimadda ey leedahay in la tallaalo ugu yaraan 10 maalmood ka hor inta aan loo safrin Cumrada si loo hubiyo in la helo Xasaanaddii loo baahnaa. Waxay sheegtay in dadka la tallaalay shantii sano ee la soo dhaafay eysan u baahneen qiyaas xoojin ah, maadaama tallaalku uu yahay mid waxtar leh muddadan oo dhan. Wasaaraddu waxay sidoo kale dadka ku boorisay iney ballan ka qabsadaan Sehhaty app si ey tallaalka uga qaataan Xarumaha Tallaalka ee dadka waaweyn, taasoo muujineysa muhiimadda ey leedahay u hoggaansanaanta tallaabooyinka ka hortagga ah si loo xaqiijiyo khibradda Cumrada oo badbaado leh oo caafimaad qabta.Awaamiirtan ayaa la jaan qaadaysa dadaalka ey Wasaaraddu ugu jirto ilaalinta caafimaadka dadka soo gudanaya cumrada, kor u qaadista Wacyiga Caafimaadka, iyo Horumarinta Nidaam Caafimaad oo isku dhafan oo kor u qaadaya tayada nolosha iyo adeegyada caafimaadka.

ISHA-AN.

Previous
Previous

TAKHAATIIRTA AAN XUDUUDA LAHAYN OO ISAGA BAXAY…

Next
Next

AAS WEYN OO LOO SAMEEYEY SHEEKH XASAN NASRALLAH.