URURKA JAAMICADDA CARABTA OO KA SHIRI DOONO ARRINTA FALASTIIN.

(SAWIRKA)-XARUNTA URURKA JAAMICADDA CARABTA EE QAHIRA.

(QAHIRA)-DEG DEG: Wakiil Falastiin u fadhiya Ururka Jaamicadda Carabta Danjire.Muhannad AL-Cakluuk ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii Jimcaha in kulan deg deg ah la qaban doono kaaso gaarsiisan ilaa heerka Danjireyasha Jooogtada ee Ururka Jaamicadda carabta,shirka ayaa lagu wadaa inuu dhaco maalinta Isiinta ah ee inagu soo fool leh kuna beegan 22/1/2024-ka,waxaane shirkaan deg dega ah looga wada hadli doonaa horumarka laga gaaray dagaalka ka socdo marinka Gaza. Tani waxa ey ku soo beegantay hadal uu soo saaray Ergayga Falastiin u jooga Ururka Jaamicadda Carabta sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Masar,marka la eego dagaalka Isra’iil ee Marinka Gaza kaaso soo bilawday 7/10/2023-kii. AL-cakluuk waxa uu yiri”Golaha Jaamicadda Carabta ee heerka wufuuda joogtada ah waxa ey yeelan doonaan fadhi aan caadi ahayn maalinta Isniinta ah ee soo socoto,waxa eyna ku yeelan doonaan Xarunta Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamicadda Carabta ee magaaladda Qahira caasimadda dalka Masar,waxaane shir Gudoomin doono Madaxweynaha waqtigaan ee Golaha Jaamicadda Carabta ahne Danjiraha dalka Boqortooyada Marooko u fadhiya Ururka Jaamicadda Carabta. Sababta shirkaan deg dega ah loo qabanaayo ayaa lagu sheegay iney tahay codsi ka yimid dawladda Falastiin iyo taageerada tiro badan oo wadama Carbeed ah,ujeedka shirka ayaa ah in laga wada hadlo dembiyada iyo Qorshayaasha Isra’iil ee ka dhanka ah shacabka reer falastiin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO MAR KALE WEERARAY XUUTIYIINTA.

Next
Next

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO WEERARAY MAGAALADDA XUDEYDA EE…