MARAYKANKA OO MAR KALE WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-MARAAKIIBTA DAGALKA EE DALKA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Dalka Maraykanka ayaa maanta oo Sabti ah qaaday weerar dhinaca cirka waxaane duqeyn loo gaystay goobo la sheegay iney yiileen Gentaaladda Lidka Maraakiibta ey iska leeyihiin kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman.sidaas waxaa sheegay ciidamadda Maraykanka. “Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM waxa uu burburiyey Gentaalada lidka Maraakiibta ee kooxda Xuutuyiinta taaso qeyb ka ah dadaaladda socdo ee lagu ilaalinaayo xuriyadda socdaalka Badda iyo ka hortaga weerarada lagu qaado Maraakiibta marta Biyaha Badda Cas,20-kii Janaayo qiyaastii 4-tii aroornimo ee waqtiga caasimadda Yeman ee Sanca ayey ciidamadda Taliska dhexe ee Maraykanka qaadeen duqeymo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,waxaane weerarka lala beegsaday Gentaal lidka Maraakiibta ah loona diyaariyey in lala beegsado Gacan Cadmeed”sidaas waxaa sheegay taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka. Ciidamadda Maraykanka ayaa g'o’aamiyey in gentaalku uu halis ku ahaay Maraakiibta Ganacsiga iyo Maraakiibta ciidamadda Badda Maraykanka ee ku sugan gobolka waxa eyna burburiyeen iyagoo is difaacaayo ayuu yiri taliyaha taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DALKA BILJAM OO LA SAFTAY KOONFUR AFRIKA.

Next
Next

URURKA JAAMICADDA CARABTA OO KA SHIRI DOONO ARRINTA FALASTIIN.