URDUN OO QABILAYSO 2,500 QAXOOTI REER AFGAANISTAAN AH.
Boqortooyadda Urdun ayaa maanta oo Isniin ah(23/8/2021)-ka shaaca ka qaaday ineey dalka Maraykanka ka ogolaatay in dalkeeda yimaadiin qaxooti reer Afgaanistaan ah kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 2,500-qofood sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyadda Urdun Dayfallah Al-faa’iz ayaa yiri”go’aanka Urdun ku qaabilayso qaxooti reer Afgaanistaan ah ayaa ah mid bani’aadanimo waxa eeyna halkaan joogi doonaan inta dawladda Maraykanka u qaadeyso dalkeeda halkaas eey u degi doonaan si rasmi ah.”XIGASHO MEMO.