CAYAARTOOYDA FEERKA DALKA YAMAN OO LOO DIIDAY….

Asian-Boxing-Championship.jpeg

Dalka Imaaraatka Carabta oo u diiday inuu siiyo dal ku gal(VISA) xulka qaranka ee Feerka ee dalka Yaman si eey uga qeybgalaan tartanka labaad ee Feerka ee qaaradda Aasiya sida eey sheegtay warbaahinta caalamka. Shacbaan Al-Cumari oo ah tababaraha kooxda Feerka ee dalka Yaman ayaa xaqiijiyey in dalka Imaaraatka Carabta uu diiday inuu siiyo dal ku gal kooxda cayaarta Feerka ee dalka Yaman si eey uga qeybgalaan tartanka labaad ee horyaal Feerka,tababaraha Yaman oo sii wato hadalkiisa ayaa yiri”Kooxdeeyna ka qeybgelayso Feerka waxa eey ku xayiran yihiin magaaladda Qaahiro ee dalka Masar muddo dhan afar berri,halka eey inagu culus tahay joogidda halkaan(QAAHIRO) waxaane u sabab ah dalka Imaaraatka carabta oo inoo diiday dal ku galkii”.Horyaalka Feerka ee Qaaradda Aasiya ayaa ah mid ka dhacaayo dalka Imaaraatka carabta magaaladda Dubai inta u dhexeeyso labaatan ilaa soddonka bishaan agoosto(10-20/8/2021)-ka.XIGASHO MEMO.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

URDUN OO QABILAYSO 2,500 QAXOOTI REER AFGAANISTAAN AH.

Next
Next

SHEEKH CAAN KA AH SACUUDIGA CARUURTIISA OO LA XUKUMAY.