UNICEF:”DAGAALKA GAZA WAA MID KA DHAN AH CARUURTA”.
(SAWIRKA)-CARUURTA KU SUGAN MARINKA GAZA.
(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil ayaa waxa uu galay maalintiisii boqol iyo shanaad(105),dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay dad aad u fara badan una badan Caruur iyo Dumar waxaane maalin kasta la soo saaraa warbixin kooban kuna saabsan xaaladda dhimashada,dhaawaca iyo dadka weli la’ayahay,hadaba maanta oo Jimca ah kuna beegan 19/1/24-ka warbixintii la soo saaray ayaa sheegayso in tirada dhimashada guud tahay 24,448-qofood,waxaa Caruur ah10,400,waxaane Dumar ah 7,100,Qoysaska dhinta waa1993,tirada guud ee dhaawaca ah 61,504,tirada dadka la la’ayahay ilaa hadda waa 7-kun qofood. Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Caruurta ee UNICEF ayaa xaqiijisay in waxa ka socdo Marinka Gaza uu yahay”Dagaal ka dhan ah Caruurta”,Hayadda ayaa ku nuux-nuuxsatay in “Dilka Caruurta ey tahay in si deg deg ah loo joojiyo”. Tani waxay timid in ka badan boqol maalmood ka dib dagaalka joogtada ah ey ciidamadda Isra’iil ku hayaan Marinka Gaza tan iyo 7-dii Oktobar-2023-kii. Ka dib booqasho seddex maalmood ah oo uu ku tegay Marinka Gaza taaso ku ekeed shalay oo Khamiis ahayd isagoo xaaladda dhulka uu tegay ku tilmaamay mid u eg mid burburtay, sidaas waxaa laga soo xigtay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Fulinta ee Hayadda UNICEF Ted Chaiban. “Haydda UNICEF waxa ey Marinka Gaza ku tilmaantay meesha ugu khatarta badan adduunka oo dhan dhinaca Caruurta,waxaane horay u sheegnay in tani tahay dagaal ka dhan ah Caruurta,laakinse xaqiiqooyinka waxa ey muuqdaan iney yihiin kuwa ku dhacaayo Dhego daboolan aan waxba maqlin”,hadalkan ayaa ka soo yeeray masuul sare kana tirsan UNICEF.
ISHA/ARAB.