BAARLAMAANKA YURUB OO KA HADLAY DAGAALKA MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA YURUB.

(STRASBOURG)-Xildhibaanada Yurub waxa ey ku baaqeen xabad joojin joogta ah oo ka dhacda Marinka Gaza qaraar aan qasab ahayn kaaso dhigaayo in la helo jid lagu joojiyo dagaalka Marinka Gaza si deg deg ahne loo sii daayo maxaabiista Isra’iil ee lagu haayo Marinka Gaza iyo burburinta Xamaas. Intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Strasbourg baarlamaanka Yurub waxa uu ku baaqay Xabad joojin joogta ah iyo in dib loo bilaabo dadaalada xal siyaasadeed iyagoo shardi ka digay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo lahaystayaasha iyo burburinta Ururka Xamaas. Qaraarka qabyada ah ey soo saareen xisbiyadda Social Dimocract ee bidixda,Miljopartiet iyo xatrunta asala ahaan ma sheegin wax shuruud ah oo xabad joojin ah laakinse Xildhibaanada Yurub waxay taageereen wax ka bedelka uu soo bandhigay xisbiga dadka Yurub(Midig) oo ah garabka siyaasadeed ee ugu weyn baarlmaanka Strasbourg oo qeexaya xaaladaan. Xisbiga dadka reer Yurub ayaa diiday inuu taageero qaraarka qabyada ah isagoo tixgelinaayo in baaqa xabad joojinta joogtada ah uu wiiqaayo xaqa ey Isra’iil u leedahay iney is difaacdo,waxayna soo bandhigaysaa khatarta weyn ee nolosha la haystayaasha ku sugan gacanta Xamaas,sida lagu sheegay war murtiyeed uu xisbigu soo saaray ka hor codbixinta.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

UNICEF:”DAGAALKA GAZA WAA MID KA DHAN AH CARUURTA”.

Next
Next

XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKA LAGA LEEYAHAY MARAYKANKA.