TIRADA DADKA IS DILA OO KU BADATAY CIRAAQ.
(CIRAAQ):Dadka is dila ayaa dalka Ciraaq waxa eey ka noqdeen sida muujadaha biyaha sannadkaan-2021-ka,waxaane dalkaas Ciraaq isku dishay in ka badan todobo boqol(700)-qofood sida eey sheegtay xukuumadda Ciraaq maanta oo ah Sabti(25/12/2021)-ka.Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha dalka Ciraaq Khaalid Al-Muhanna ayaa sheegay ineey gudaha dalka Ciraaq isku dileen dad gaaraayo todobo boqol iyo todobaatan iyo labo(772)-qofood sannadkaan 2021-ka halka sannadkii 2020-kii eey gudaha dalka Ciraaq isku dileen dad garaayo lix boqol iyo lixdan iyo seddex(663)-qofood.Sannadkaan 2021-ka gudaha dalka ciraaq waxaa isku dilay dad u badan dhallinyaro da’adooduna eey ka yar tahay labaatan jiro oo tiradood waxa eey gaartay(36.6%),tirada dadka isu dilay gudaha dalka Ciraaq sannadkaan 2021-ka ayaa (55.9%) waxa eey yihiin rag halka (44.1%) eey yihiin dumar.ISAH AA.