ISRAA’IIL OO SHEEGTAY TIRADA MUHAAJIRIINTA DALKEEDA-2021-KA.
(ISRAA’IIL):Wasiirka socdaalka ee Israa’iil ayaa shalay oo khamiis ahayd(23/12/2021)-ka sheegay in tiradda muhaajiriinta cusub dhan tahay 27,050-qofood kuwaaso soo gaaray Israa’iil sannadka 2021-ka,warbixinta ayaa sheegayso in muhaajiriinta soo gaartay Israa’iil korortay boqolkiiba sodon(30%) marka la barbardhigo sannadkii hore ee 2020-kii.
Sida ku cad macluumaadka uu bixiyey wasiirka socdaalka ee Israa’iil tirada muhjiriinta ee la soo sheegay waxaa ka mida 4000-muhaajiriin oo ka timid dalka Maraykanka,waana tiradii ugu badnayd oo muhaajiriina kana timaado dalka Maraykanka tan iyo sannadkii 1973-dii,sidoo kale macluumaadka uu bixiyey wasiirka ayaa waxaa ka mida in 3500-muhaajiriin ka yimaadeen dalka Faransiiska,Ruushkana eey ka yimaadeen 7500-muhaajiriin,waxaa(10%) kordhay tirada muhaajiriinta ka imaanayso Ruushka marka loo fiiriyo sannadkii 2020-kii,3000-muhaajir waxa eey ka timid dalka Ukrayn halka 1636-muhaajir eey ka yimaadeen dalka Itoobiya. ISHA MEMO.