SURIYA MA NOQON DOONTAA GOOB EY KU DAGAALAAN RUUSHKA IYO MARAYKANKA?
(SAWIRKA)-BAABUURTA MARAYKANKU U DIRAY DALKA SURIYA.
(SYRIA)-Dalka Suriya waxaa ku sugan ciidamo kala gedisan kana kala socdo caalamka,ciidamadaan ayaa soo galay dalka Suriya ka dib markii uu halkaasi ka dilaacay ururka Daacish/ISIS,ururkaan ayaa sabab wax uu noqday in xoogag ajnabi oo leh dano iska oo horjeedo ey soo galaan dalka Suriya kana sameeyaan wax alle waxa ey doonaan. Dalalka Maraykanka uu hogaaminaayo ee dalka Suriya ku soo galay waxa aan la dagaaleyn kooxda Daacish/ISIS waxa ey weli ku sugan yihiin dalka Suriya gudahiisa gaar ahaan halka laga soo saaro shidaalka dalka Suriya,dhinaca kale waxa ayagana ka soo jeedo Ruushka iyo Turkiga oo lidi ku ah kooxaha uu taageero Maraykanka waxa eyna u aqoonsan yihiin Argagixiso,waxaane marar badan dhacday in isku dhac uu ku yimaado ciidamadda Ajnabiga dhexdooda. Ciidamadda Maraykanka ka joogo dalka Ciraaq ayaa waxa ey dalka Suriya soo geliyeen shalay oo Isniin ahayd baabuur dagaal oo gaareyso ilaa 50-baabuur si ey ugu xoojiyaan ciidamadooda jooga bariga Suriya halkaaso ey ku xoogana yihiin xoogaga mucaaradka ku ah dalka Turkiga kalana ah YPG/PKK.
ISHA/AA.