DAGAALKA LIBIYA: 55-DHIMASHO.146-DHAAWAC.
(SAWIRKA)-DAGAALKA KA SOCDO CAASIMADA LIBIYA EE TRIPOLI.
(TRIPOLI)-Caasimadda dalka Libiya ee Tripoli ayaa waxaa ka dhacay iska horimaadkii ugu xumaay uguna djimashada badnaay sannadkan 2023-ka,waxaane ku geeriyooday 55-qofood waxaane ku dhaawacmay 146-qofood sida ey sheegeen goobaha caafimaadka ee dalka Libiya maanta oo Arbaca ah. Dagaalka ayaa soo bilawday habeenimadii Isniinta waxa uuna soo gaaray ilaa shalay oo Talaada ahayd,dagaalka ayaa ah mid u dhexeeyo Guutada 444-daa oo raacsan xukuumadda fadhigeedu yahay caasimada Tripoli iyo xoogaga Al-Radaac,labadaan kooxood ayaa haysto maleeshiyaad fara badan oo u dagaalamo waxa eyna isku hayaan talada dalka Libiya tan iyo markii xukunka laga riday Col.Macamar AL-Qadaafi sannadkii 2011-kii.
ISHA/ARAB NEWS.