SUDAN: WEERAR EY KU DHINTEEN 40-QOFOOD OO…
(SAWIRKA)-WEERAKII CIRKA EE KHARTUUM.
(SUDAN)-Dalka Sudan waxa weli ka socdo dagaalkii u dhexeeyey kooxaha iska soo horjeeda ee kala Ciidamadda Militeriga dalka Sudan iyo Xoogaga Gargaarka Degdega ah,labadaan kooxood ayaa waxaa kala hogaaminaayo Taliyaha Ciidamada Militeriga Sudan Burhaani iyo Taliye Xumaydeyti. Ugu yaraan afartan qofood ayaa lagu dilay waxaane lagu dhaawaca tiro tobaneeya ah ka dib markii weerar dhinaca cirka ah lagu qaaday Suuq ku yaalo caasimadda Khartuum koonfurteeda,sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay kooxo iskooda isu hawlgeliyey maanta oo Axad ah(10/9/23)-ka,weerarkaan ayaa ah mid ey ku dhinteen dadkii ugu tirada badnaay tan iyo markii uu bilawday dagaalka dalka Sudan 15/4/23-ka.
ISHA/ARAB.