DAGAAL DIB UGA QARXAY XERADA CEYNUL XILWE.

(SAWIRKA)-DAGAALKA XERADA CEYNUL XILWE EE LIBNAAN.

(BEIRUT)-Dagaal culus ayaa dib uga bilawday Xerada Qaxootiga dadka reer Falastiin ee Ceynul Xilwe kuna taalo gudaha dalka Libnaan,dagaalkan soo cusboonaaday ayaa waxaa ku naf waayey shan qofood waxaane ku dhaawacmay dad gaarayo ilaa 52-qofood oo kale,dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa dagaalyahano ka kala tirsan Xarakada Fatxi ee jabhada PLO iyo koox isku magacawday AL-shabaab Almuslimiin kana tirsan Xarakada Xamaas. Dagaalka ugu culus ayaa waxa uu ka dhacay Ra’asul Axmar,dhiiri,Tacmiir,iyo dhawaara’a,sida laga soo xigtay isbitaalka AL-Hashmari kuna yaalo Sayd AL-Riyad Abu Ceyneyn,dagaalka ayaa sida la sheegay soo bilawday Khamiistii la soo dhaafay,waxaane kor u kacday tirada dhaawaca ah oo ahayd 35-qofood ayaa hadda gaartay ilaa 52-qofood halka dhimashada ey dhan tahay 5-qofood,waxaane xal xabad joojin ku meel gaar ah la gaaray maalintii Jimcaha waxaane xalkaasi wada gaaray Xarkada Xamaas iyo Xarakada Fatxi ee jabhada PLO.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MASAR: DUMAR LOO KORDHIYEY XABSIGA.

Next
Next

SUDAN: WEERAR EY KU DHINTEEN 40-QOFOOD OO…