SOOMAALIYA OO QEYB KA NOQON DOONTA CDC-AFRICA.
FURUQA.
(KAMPALA)-Dalka Soomaaliya ayaa la soo sheegay inuu ka guulaystay wadamo Afrika ah oo kula tartamay qabshada hogaanka xafiiska CENTRAL DISEASE CONTROL ee Qaaradda Afrika,xafiiskaan ayaa waxaa xubno ka ah dawladdo fara badan oo Afrika ah waxa uuna leeyahay xafiis goboleedyo loo yaqaano REGIONAL COOLBORATION CENTER sida kan eey leeyihiin Wadamada Bariga Afrika ee la yiraahdo Eastern Africa RCC kana kooban14-dal Soomaaliyana eey ka mid tahay,Wasaaradda Caafimaadka JFS ayaa isku hawshay ineey ka qeybgasho tartank loo gelaayo booskaan hogaanka CDC Afrika,tartanka ayaa waxa uu ka dhacay dalka Tanzania dalka Soomaaliyana waxaa ku metelaayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Maxamed(Buraale) waxa uuna hogaanka CDC-da qaban goor dhaw. Isla CDC-da Afrika madaxeeda waqtigaan ayaa sheegay inuu si aad ah uga maqsuuday magaca eey hayadda caafimaadka adduunka(WHO) eey dib ugu bixisay magaca cudurka MONKEYPOX(FURUQA) kana fogeysay in magaca la siiyo Qaaradda Afrika.
ISHA WARKA WAKAALADO.