21-QOFOOD OO KU DHIMATAY…
QARAXII SHALAY KA DHACAY MASAAJIDKA.
(KAABUUL)-Qarax ka dhacay gudaha Masjid ku yaalo magaaladda Kaabuul ee dalkaasi Afgaanistaan waqtigii salaada xalay fiidkii oo Arbaca ahayd ayaa waxaa ku dhintay 21-qofood ugu yaraan waxaane dadka dhintay ka mid ah Sheekh caan ka ah dalkaasi Afgaanistaan,waxane qaraxaasi ku dhaawacmay 33-qofood oo kale sida eey wada sheegeen goobjoogayaal iyo booliska maanta oo Khamiis ah.Qaraxaas shalay ka dhacay Kaabuul ma jirto cid sheegatay ilaa hadda waxaane jiro xoogag fara badan kuna sugan dalka Afgaanistaan sida Daacish oo si aada uga soo horjeedo maamulka sannad jirsaday ee Talibaan,waxaane la soo sheegaa in dadka ku dhaawacmay qaraxii shalay eey ka mid yihiin caruur.
ISHA WARKA AP.