SIRDOONKA ISRAEL( MOSSAD) OO KU FASHILMAY…

SADAAM XUSEEN.

(RIYAD)-Waxaa soo shaac baxday warbixin si aad ah uga hadlayso dhagaraha ey soo maleegtay Hayada Sirdoonka Israel ee MOSSAD,hayadaan ayaa soo diyaarisay qorshayaal lagu khaarijinaayo masuuliyiin Carab ah uuna ugu horeeyo Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq AUN-Sadaam Xuseen. Sirdoonka Israel(MOSSAD) ayaa isku dayey inuu khaarijiyo Sadaam Xuseen sannadkii 1992-dii mana eysan u suurtagelin oo waa uu ka badbaaday Madaxeyne Sadaam. Raga kale ey Mossad rabtay ineey khaarijiso welina nool waxaa ka mid ah Khaalid Mashcal oo ah madaxa siyaasadda ee ururka Xamaas ee reer Falastiin. Waxaa kalo isagana ka mida Maxamed Dayf oo ah hogaamiye ka mida garabyada la dagaalamo ciidamada Israel ee marinka Gaza.Maxamed ayaa ilaa hadda ku nool Gaza Mossad-ne ma aysan ku guulaysan dilkiisa ey isku dayday laba jeer.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

XAMSA BIN DALAAJ WAA KUMA?

Next
Next

KHILAAFKA KA TAAGAN DOORASHADA LIBIYA…