KHILAAFKA KA TAAGAN DOORASHADA LIBIYA…
CABADALLA BATIILI.
(TRIPOLI)-Weli waxa uu khilaaf xoogan ka taagan qabashada Doorashada dalka Liibiya taas ahayd ineey dhacdo sannadkii 2021-kii,siyaasadda dalka Liibiya waxaa gacmaha kula jiro dawlado Ajnabi ah kana leh dano gaar ah,dawladahaas ayaa u dhisan qaab kooxeysi ah waxa eyna koox kasta ilaashanaysaa danaheeda gaarka ah. Dalalka Turkiga iyo Ruushka ayaa ugu tun weyn dawladaha lugta ku leh arrimaha Liibiya waxaane ka soo horjeedo koox kale ey ka mid yihiin Masar iyo Imaaraatka Carabta,koox walba waxa ey wadataa hogaamiyeheeda oo Libiyaan ah waxa socon la’a doorashada dalkaasi uu ku yeelanaayo Madaxweyne iyo Baarlamaan shaqeeyo afar sano. Hadaba Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaasi Cabdallah Baatiili ayaa soo jeediyey qorshe cusub uu dalka Libiya ku gaari karo doorasho xor iyo xalaal ah arrintaa ayaa hadda muran ka taagan yahay waxaaane ka jiro is qabqabsi ba’an oo ku dhamman karo Fashal.
ISHA WARKA ARAB.