SHIRKII URDUN EE BERI OO BAAQDAY.
(SAWIRKA)-WASIIRKA G/DHIGA ISRAEL IYO WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Weerarkii ey diyaaradaha Isra’iil maanta ku qaadeen Isbitaalka AL-Ahli ee ku yaalo bartamaha Gaza ayaa waxaa ku dhintay 500-qofood sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Falastiin. Masuuliyiinta reer Falstiin ayaa sheegay in weerarka cirka ee lala beegsaday deyrka Isbitaalka AL-Ahli in halkaas ey ku sugnaayeen barakacayaal reer Gaza ah kuwaaso deryrka ka sameystay gabaad,ciidamada Isra’’iil(IDF) ayaa sheegay in xoogaga Jihaad AL-Islaami ey qorsheynaayeen iney halkaasi ey ka soo ridaan gentaalo meel u dhaw Isbitaalka ey diyaaraduhu duqeeyeen. Saacado ka dib markii ey dhacday duqeynta Isbitaalka AL-Ahli ayaa Wasiirka arrimaha Dibadda Urdun Md.Eyman Safadi uu sheegay in dalkiisa uusan martigelinaynin fadhiga loo qorsheeyey inuu berri oo Arbaca ah ka dhaco caasimadda Camaan eyna ka qeybgalaan Boqorka Urdun Cabdalla,Madaxweynaha Masar AL-sisi,Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden,Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu u safray dalka Isra’iil si uu ugu muujiyo in dalkiisa garab taagan yahay qaranka Isra’iil laakinse Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa sheegay in MW-Biden uu joojiyey safarkiisii Camaan.
ISHA/WP.