MARAYKANKA OO 2-KUN OO CIIDAMADIISA AH GELIYEY…

(SAWIRKA)-WASIIRKA GAASHAANDHIGA MARAYKANKA AUSTIN.

(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka(Pentagon) ayaa sheegaayo in laba kun oo ciidamadda Maraykanka ah loo diray Bariga Dhexe waxaane la geliyey diyaar garaw adag si ey uga jawaabaan weerar kasta oo suuragal ah laguna qaado saaxibadooda ku sugan Bariga dhexe,arrintaan ayaa imaanayso ka dib markii dawladda Iraan ey sheegtay iney soo geli doono dagaalka Gaza ka socdo haddii ciidamadda Isra’iil ey Gaza ku qaadaan weerar dhinac dhulka ah maalmaha inagu soo aadan. Madhiqada Bariga dhexe ayaa waxaa horay u joogay maraakiib dagaal uu leyahay dalka Maraykanka kuwaso qaada diyaaradaha dagaalka nuucyadooda kala gedisan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SHIRKII URDUN EE BERI OO BAAQDAY.

Next
Next

500-QOFOOD OO REER FALASTIIN AH OO HAL MEEL KU DHIMATAY.