SHIRKII GOLAHA WASIIRADA SOMALIA OO..

SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA EE QABSOOMAY MAANTA.

(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxaa caasimadiisa Muqdisho todobaadkiiba mar ku qabsooma shir ey wada yeeshaan Golaha Wasiiradda Xukuumadda uu hogaamiyo RW-Xamsa Cabdi Barre,shirkii ugu dambeeyey eey yeeshaan Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa waxa uu dhacay maanta oo Khamiis ah kuna beegan 3/11/22-ka,shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan eyna ka mid yihiin Qaraxii Zoobe-2 ee Muqdisho ka dhacay 29/10/22-ka eeyna ku dhinteen dad fara badan kuna dhaawacmeen dad intaas ka badan. Gudiga gurmadka dadkii ku waxyeloobay qaraxii Zoobe ayaa laga dhegaystay warbixin ku saabsan halka gudiga ey wax u marayaan,sidoo kale waxaa isna warbixin laga dhegaystay Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay halka uu maraayo dagaalka looga soo horjeedo kooxda Alshabaab, waxaa isna warbixin ku saabsan halka ey marayso Deyn cafinta laga dhegaystay Wasiirka Maaliyadda.

ISHA WARKA ALLBANADIR.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

EEDEYN LOO SOO JEEDIYEY XUUTIYIINTA YAMAN.

Next
Next

DALKA SACUUDIGA OO MARTIGELIN DOONO…