DALKA SACUUDIGA OO MARTIGELIN DOONO…
(ALJERIS)-Dalka Aljeeriya waxaa maanta oo Arbaca ah kuna beegan 2/11/22-ka si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey shirkii 31-aad ee wadamada xubnaha ka ah ururka Jaamicadda Carabta,shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan eyna ka mid tahay arrinta dadka reer Falastiin,Yemen,Libnaan,Liibiya,Suudaan iyo Soomaaliya dhammaan wadamadaan ayaa waxaa ka jiro dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwa amni soona socday in muddo ah,hadaba dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta sheegay inuu martigelin doono fadhiga soo socdo ey yeelan doonaan wadamadda xubnaha ka ah ururka Jaamicadda Carabta. “Asaas ahaan dalka Boqortooyada Sacuudiga waa mid daneeyo jiritaanka ururka Jaamicadda Carabta waxaane ku dhawaaqeynaa in dalkayna uu martigelin doono shirka 32-aad ee madaxda wadamadda xubnaha ka ah ururka Jaamicadda Carabta”sidaas waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan,Amiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyey dalka Boqortooyada Sacuudiga waa dalkiinii labaad ee ku soo dhawaada.
ISHA WARKA AA.