SH.CIMAAD AL-MUBEYED OO KA BAXSADAY…

SHEEKH CIMAAD AL-MUBEYED.

(RIYAD)-Caalim reer Sacuudi lana yiraahdo Sheekh Cimaad Al-Mubeyed oo cambaareyey xukuumadda Sacuudiga ayaa lagu soo waramayaa inuu isaga baxsaday dalka Sacuudiga kuna sugan yahay dhul amaan ah oo aan la sheegin. Sheekh Cimaad ayaa bartiisa Twitter-ka waxa uu horaantii bishaan Maarso-2023-ka soo dhigay video uu kaga hadlaayo dhaqan xumida ka jirto dalka Sacuudiga,Sheekha ayaana maanta oo Talaada ah sheegay inuusan ku sugneyn Sacuudiga. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuda aadanaha kana jiro dalka Sacuudiga ayaa ariinta Sheekh Cimaad siiyey muhimad gaar ah waayo waxaa dalka Sacuudiga caadi ka noqotay qofkii ka hadlo arrimaha bulshada Sacuudiga in loo macneeyo mid ka soo horjeedo dawladda.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DALKA QADAR OO YEESHAY XUKUMAD CUSUB.

Next
Next

XAFIISKA REYSAL WASAARAHA CIRAAQ OO KU…