DALKA QADAR OO YEESHAY XUKUMAD CUSUB.

AMIIRKA DAWLADDA QADAR AMIIR TAMIIM.

(DOHA)-Amiirka dawladda Qadar Amiir Tamiim ayaa maanta oo Talaada ah 7/3/23-ka magacaabay Reysal Wasaaraha dalkaasi Qadar waxane xilkaasi loo magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-Thani waxa uuna bedelay Reysal Wasarihii hore Sheekh Khaliifa Bin C/casiis Al-Thani. Magacaabidaan ayaa qeyb ah qaraaro badan oo ka soo baxay Amiirka dawladda Qadar Amiir Tamiim. Diiwaanka Amiirka Qadar ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay(1) ee sannadka 2023-ka kuna saabsan aqbalaada is casilaada Reysal Wasaarihii hore ee dawladda Qadar Sheekh Khliifa Bin C/caisis Al-Thani,iyo qaraar kale oo tirsigiisu yahay(2) ee sannadka-2023-ka kaaso lagu magacabay Reysal Wasaare Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-thani,waxaane isla goobtaas lagu dhaariyey dhammaan masuuliyiinta cusub ee xilalka loo magacabay.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SHEEKH CAA’ID ALQARNI OO KA HADLAY…

Next
Next

SH.CIMAAD AL-MUBEYED OO KA BAXSADAY…