URURKA XAMAAS OO SII DEYN DOONA LIX…
(SAWIRKA)-LIXDA MAXBUUS EE ISRA’IIL.
(RAMALLAH/GAZA)-Garabka hubaysan ee Ururka Xamaas ee Guutada Cizadiin AL-Qasaam ayaa xaqiijiyay iney ku wareejin doonaan Sabtida berri ah lix la haystayaal nool oo laguna haaayo Marinka Qaza taas oo qeyb ka ah heshiiska Xabad Joojinta ee socda ee lala galayo Israa’iil. Guutada Cizadine AL-Qasaam ayaa bayaan ey soo saartay maanta oo Jimca ah ku sheegtay in siideynta ey u dhici doonto sidii loogu talagalay. Kooxda u ololeysa La haystayasha iyo Golaha Qoysaska maqan ee Isra’iil ayaa daabacay magacyada lixda qof ee la qafaashay horraantii toddobaadkan, iyagoo magacyadooda ku kala sheegay “Eliya Cohen, Tal Shoham, Omer Shem Tov, Omer Wenkert, Hisham Al-Sayed iyo Avera Mengistu”. Dhanka kale, Israa’iil ayaa Xabsiga ka sii deyn doonta 602 Maxbuus oo reer Falastiin ah maalinta Sabtida ah, taasoo qeyb ka ah la-haysteyaal iyo Xamaas kala beddelashada, sida ey sheegtay kooxda u doodda Maxaabiista Falastiiniyiinta. Dadka la sii daayay waxaa ka mid ah 445 qof oo ka soo jeeda Gaza kuwaas oo la xiray ka dib weerarkii Xamaas ee October todobadeedii sannadkii 2023-kii ee dagaalka dhaliyay, 60 ayaa ku jira xukun dheer, 50 ayaa xabsi daa’in ah, 47 ka mid ah ayaa dib loo xiray ka dib markii 2011 Maxbuus la isku dhaafsaday, Amani Sarahneh, oo ah afhayeenka Ururka NGO ayaa u sheegay AFP.
ISHA-ARAB NEWS.