WADAMADA KHALIIJKA IYO MASAR IYO URDUN OO KU…

(SAWIRKA)-MADAX CARBEED EE KU SUGAN RIYAAD.

(RIYAD)-Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan ayaa Jimcihii shalay magaalada Riyadh ku qaabilay Hoggaamiyeyaasha dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka, iyo Hogaamiyeyaasha dalalka Urdun iyo Masar. Kulanka ayaa looga hadlay dadaallada wadajirka ah ee lagu taageerayo Qadiyadda Falastiin, iyo Horumarka ka socda Marinka Gaza, oo ey weheliyaan Arrimo kale oo ku saabsan Gobolka Bariga Dhexe iyo kuwa Caalamiga ah, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga(SPA). Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Isutaga Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan, Boqorka Urdun, Boqor Cabdallah, Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al-Sisi, Amiirka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, Amiirka Kuwait Sheikh Meshal AL-Ahmad AL-Jaber AL-Sabah, Dhaxal-Sugaha Boqortooyada Baxreyn ahna Ra’iisul Wasaare Salmaan Bin Xamad Al-Khaliifa. Hogaamiyayaasha ayaa soo dhaweeyay qabashada shir Madaxeedka deg deg ah ee Wadamada Carabta oo lagu qaban doon magaaladda caasimadda ah ee Qaahira ee dalka Masar taariikhdu markeey tahay 4-ta bisha soo socoto ee Maarso-2025-ka.

ISHA-AN.

Next
Next

URURKA XAMAAS OO SII DEYN DOONA LIX…