SARKAAL KA TIRSAN WFP OO LAGU DILAY YEMAN.
(SAWIRKA)-SHACABKA YEMAN.
(YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamadda Carbeed ee uu ka dhacay kacdoonkii looga soo horjeeday madaxda dalalkaasi sannadkii 2011-kii,Yeman ayaa gashay fawdo wixii ka dambeeyey waqtigaas waxaane dalka Yeman uu yeeshay laba xukuumadood uu midna caalamku aqoonsan yahay iyo mid aanuu caalamku aqoonsaneyn. Degmada Turbah ee ka tirsan Gobolka Ticis ee dhaca Koonfur Galbeed dalka Yeman ayaa shalay oo Jimca ahayd waxaa lagu dilay sarkaal sare kana tirsan Hayada Cuntada Adduunka ee WFP, Mu’ayad Xumaydi ahne ninka la dilay ayaa u dhashay dalka Urdun waxaane Mu’ayad iyo shaqsi kale ey wada socdeen toogtay rag hubaysan wejigana u daboolan yahay kuwaaso saarnay Mooto laba lugooley,waqtiga ey dheceysay toogashada ayey Mu’ayad iyo shaqsigi la socday waxa ey ka soo bexeen maqaayad ee ka soo qadeeyeen. Sida ey sheegtay Qaramada Midoobe Mu’ayad ayaa dhawaan waxaa loo soo bedelay dalka Yeman waane khabiir in mudda ah u shaqeynayey Qaramada Midoobe,hayadaha amaan dalka ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in dad fara badan loo qabtay dilka Mu’ayad baarisne ey ku socoto.
ISHA/MEE.